Maraykanka Oo Cunaqabateyn Dhaqaale Kusoo Rogay Dowladda Itoobiya.
Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabateyn xaga dhaqaalaha ah kusoo rogtay dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Abey Axmed.
Sida lagu sheegay war uu soo saaray wasiirka arimaha dibadda ee Maraykanka, Maraykanka wuxuu joojiyay taakuleyntii xagga amniga ah ee uu siin jiray dowladda Itoobiya, si loogu cadaadiyo iney joojiso xasuuqyada ay ka geysaneyso gobolka Tigreega.
Warbixinno caalami ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya xasuuq wadareedyo iyo kufsi jamaaci ah ka geysteen deegaannada Tigreega, halkaas ciidamada milliteriga Itoobiya weeraro xoogan ku qaadeen kadib khilaafaad soo kala dhexglaay is maamulkii gobolkaas iyo Abey Axmed.
Halkan ka dhagayso Faafaahin Maraykanka Oo Cunaqabateyn kusoo rogay Itoobiya.