Mas’uul Iyo Askari Ka Tirsan DF oo Lagu Dilay Muqdisho Iyo Dagaal Ka Dhacay Bay.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sarkaalkan ku toogtay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxmed Cusmaan Axmed waxaana dilkiisa ka tacsiyeeyay xubno kamid ah wasaaradda.

Waa mas’uulkii ugu weynaa darajo ahaan DF oo todobaadkan xamar lagu toogto. Sidoo kale askari ka tirsan ciidamada DF ayaa lagu dilay degaan dacalka ku haya Ekis-koontarool Afgooye oo la yiraahdo Tabeelaha Sh/Ibraahim.

Askarigan ayaa wuxuu ahaa Boolis lacagaha ka qaada dadka iyo gaadiidka degaanka, sida aan xogta ku heleynana waxaa toogtay ciidamo ka tirsan kuwa XSHM.

Dad degaan ah oo codsaday inaan magacooda iyo codkooda la baahin ayaa ayaa inoo sheegay in askariga lagu magacaabi jiray Haaruun Xaaji Cabdi kaasoo ku magac dheeraa (Qalinle)

Dhanka kale dagaal ka dhan ah Ciidamada Maamulka Koofur glabeed ayaa maanta ka dhacay duleedka Degmada Qansaxdheere ee Gobalka Bay.

Ciidamada Xarakada Shbaabul Mujaahdiin ayaa weeraray askarta maamulka Koofur galbeed ee itoobiayanka la shaqeeya.

Muddi kadib dagaalka, ciidankaas ayaa goobta ka cararay waxaana laga qaatay Qori iyo Boosh. Faah faahin kama helin wixii dhimasho iyo dhaawac ah ee dagaalkaasi ka dhashay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.