Meydka Ganacsade Soomaali ah Oo Laga helay Dalka Kenya.

Ehelada nin ganacsadaha ayaa sheegay meydkiisa laga helay meel duur ah oo ku taal Mawe-a ee oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo Nairobi u jirta 180 km.

Eheladu waxay sheegeen in ganacsadaha la waayay 13 bishan waxayna xaqiijiyeen in maydkiisa ay ka muuqday rasaas iyo dhaawacyo kale oo muujinaya in la garaacay ama la jir dilay.

Bashiir Maxamed Gaboobe oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka ahaa shirkad ganacsi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweyna ka wadday dalka Kenya.

Bashiir Maxamuud ayaa muddo todobaadyo ah la la’aa, balse waxaa maalmo yar kaddib markii la waayay lagu arkay duleedka magaalada iyadoo hore loo helay gaarigiisa oo la gubay.

Bashiir oo ah Soomaali heystay dhalashada Mareykan ayaa 35 sano jir ahaa waxaana hadda ka hor la baahiyay sawirro uu la galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.