Odayaasha Shabeellaha Dhexe Oo Soo Dhaweeyay Mu’assasada Al-Kafaala.

Odayaasha iyo waxgaradka Shabeellaha Dhexe ayaa si diiran waxay usoo dhaweeyeen Mu’assasasada Al-Kafaala ee Xanaanada Agoonta, taasoo dhawaan looga dhawaaqay koonfurta Soomaaliya.

Odayaasha ayaa sheegay iney muhiimad gaar ah leedahay daryeelka agoonta, xilli dalka Soomaaliya uu soo maray dagaallo xoogan, welina ay ka socdaan dagaallo adag.

Dadka Muslimiinta ah ayay ugu baaqeen Odayaashan iney garab istaagaan mu’assasada Al-Kafaala ee Xanaanada Agoonta.

Mu’assasada Al-Kafaala ee Xanaanada Agoonta oo ah mu’assaso kheyri ah oo madax banaan ayaa dhawaan waxaa laga hirgeliyay koonfurta Soomaaliya, waxaana wejiga koowaad ee mashruuceeda uu yahay in deeq lacageed iyo mid raashiin isugu jirta gaarsiiyaan 1000 qoys oo agoomo heysta.

Halkan ka dhagayso Odayaasha Shabeellaha Dhexe Oo Soo dhaweeyay Mu’assasada Al-Kafaala.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.