Ruux Soomaali ah Oo Lagu dilay dalka Koonfur Africa.

Dukaan Soomalidu leeyihiin oo ay dheceen burcad.

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa ku waramaya in kooxo burcad ah ay dileen ruux Soomaali ah oo kamid ah dadka ku nool wadankaas.

Dilka ayaa ka dhacay xaafad katirsan magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa, waxaana loo geystay nin soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdul Qaadir.

Kooxda burcadda ah ayaa ka toogtay ruuxan soomaaliga ah qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana markaas kadib ay ka carareen goobta.

Dad Soomaali ah ayaa goordambe meydka Cabdul qaadir ka qaaday goobta, waxaana soo noq noqday dilka dalkaas loogu geysanayo dadka Soomaaliyeed.

Halkan ka dhagayso Ruux Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Africa

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.