SAWIRRO: Beesha Geeledle oo Ugaas Cusub Ku Duubatay Jubbooyinka.

Beesha Geeledle qeybteeda wilaayada Jubbooyinka ayaa suldaan cusub ku caleema saaratay munaasabad weyn oo todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacday Masjid weyn oo ku yaalla degmada Saakow ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka.

Munaasabadda oo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin, culimo, salaadiin, dhallinyaro iyo haween. Dhammaan dadkii ka hadlay goobta waxay aad u bogaadiyeen beesha iyo ugaaskeeda cusub Ugaas Cabdishukri Sheekh Maxamd Rashiid.

Ugaaska wuxuu sheegay inuu qabiilkiisa ku dhaqi doono shareecada islaamka iyaguna aad ayay ugu farxeen maadaama la og yahay dhibaatada ay leeyihiin xeer jajabka iyo wax yaabaha lamidka ah.

Munaasabadda gunaadkadkeedii waxaa ka hadlay waaliga wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka SH/Maxamad Abuu Cabdalla isagoo aad u dhiira galiyay ugaaska cusub wuxuuna goobta ku gudoonsiiyay Qori AK47 ah, dhiil caano ah oo ka tarjumeysa dhaqanka Soomaaliyeed, kitaab Qur’aan, gaari cusub iyo hadiyado kale.

Markii ay xafladdu idlaatay wuxuu ugaasku socod ku maray wadooyinka waaweyn ee magaalada waxaana aad usoo dhaweeyay dad weynaha oo safaf u galay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.