Sawirro: Hey’adda Kafaala Ee Daryeesha Agoonta oo Raashin Iyo Lacag U Qeybisay Boqol Qoys oo Ku Dhaqan Jubbada Dhexe.

Hey’adda Kafaala oo ay dhawaan aasaaseen ganacsato iyo odayaal dhaqameedyo ahna hey’ad ka madax bannaan dhinacyada siyaasadda ee dalka ayaa raashin iyo lacag u qeybisay boqol qoys oo ku dhaqan degmada Saakow iyo hareeraheeda.

Qoys walba ayaa waxaa la gudoonsiiyay raashin isugu jira  Bur, Bariis, Sonkor, laba caag oo Saliid ah iyo lacag dhan 100 dollar.

Hey’adda ayaa ballan qaaday in mashruucan ay ka sameyn doonto koofurta Soomaaliya iyadoo si gaar ah u caawineysa agoonta, waxaana ay dadka muslimiinta ah dal iyo dibadba ka codsatay iney gacan ka geystaan hawshan kheyriga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.