Sawirro: Si aan horey loo arag Oo looga ciiday Jilib.

Magaalada Jilib ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa maanta looga ciiday si aad u wanaagsan, iyadoona dadweyne aad u farabadan oo kumanaan gaaraya ay isugu yimaadeen musallaha macallin Aadan Xaashi Ceyrow.

Dadka muslimiinta ah oo isuga jira qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku tukaday musallaha, waxaana wejiyadooda laga dareemayay farxad aan la cabiri karin, iyadoo dadku ay aad u labisnaayeen.

Takbiirta ayay qaadayeen dadka muslimiinta ah, waxaana inkastoo ay faraxsanaayeen ay hadana aaney hilmaamin walaalahooda muslimiinta ah ee ku dhiban Qazza iyo Al-Qudus, halkaas oo ay Yahuudu dhibaatooyin ka wadaan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.