Taliyihii Ciidamada Nigeria Iyo Saraakiil Kale oo ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Qeybo Kamid ah Waddankaas.

Taliska ciidamada Nigeria ayaa shaaca ka qaaday inuu dhintay taliyahoodii oo lagu magacaabi jiray General Ibrahim Atahiro, kaas oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga waddankaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada cirka ee Nigeria ayaa wakaaladda warar Farnsiiska ee «AFP» u sheegay in General Atahiro oo 54 jir ah uu dhintay galabnimadii Jimcaha kadib markii diyaarad militari oo uu saarnaa ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Kaduna oo ku yaalla waqooyiga Nigeria.

Taliska ma uusan shaacin sababta keentay shilka iyo wax macluumaad ah oo ku aaddan qaabka uu u dhacay, iyagoona ku gaabsaday dhacdada oo kaliya, waxayna xaqiijiyeen in taliyaha iyo 10 sarkaal oo kale ay ku dhinteen shilkaas.

Madaxweynaha Nigeria ayaa Atahiro u magacaabay taiyaha guud ee ciidamada waddankaas bishii January ee lasoo dhaafay, isagoona kamid ahaa saraakiisha ugu cad cad ee xukuumadda Nigeria.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.