Warbaahinta Mareykanka oo Billaabay iney soo bandhigaan Siraha Farmaajo.

Wargeyska New York Times ayaa warbixin xasaasi ah ka qoray sababta uu madaxweyne Farmaajo isaga dhiibay baasaboorka Mareykanka, inuu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada, iyo dhacdo ku saabsan Jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo, oo tusaale u ah sida uu xukunka u jecel yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 1-dii August 2019 ka tanaasulsay muwaadannimadiisa Mareykanka, isaga oo aan shaacin wax sabab ah, hase yeeshee wargeyska ayaa wrbixin uu maanta qoray ku sheegay in baaritaan lagu ogaaday inuu Farmaajo horey u qaatay baasaboorka dalka Canada.

Baaritaankan oo ay sameysay Waaxda Dakhli Uruurinta Mareykanka ee (IRS) ayaa saxaafadda dalkaas ku dhaliyay iney Farmaajo su’aalo ka weydiiyaan balse waa uu ka gaabsaday.

New York Times ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday arrin aan horey loo ogeyn oo ah in Farmaajo uu hadda ka hor qaatay baasaboorka dalka Canada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu Mareykanka tagay sannadkii 1985-kii isaga oo ah diblomaasi curdun ah oo ka shaqeynayay safaaraddii Soomaaliya balse markii ay burburtay dowladdii Siyaad barre uu go’aansaday inuu qaxooti ku noqdo dalkaas.

Qof saaxiib la ah qoyskiisa oo uu wargeysku soo xiganayo ayaa sheegay inuu marka hore magan-galyo ka codsaday Canada oo ay ku noolaayeen hooyadiis iyo walaalhiis, wuxuuna kadib qaatay baasaboorka Canada.

Farmaajo wuxuu yaraantiisii wadashaqeyn la lahaa safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya oo Muqdisho ku tiilay waxaana ilo kale ay sheegayaan iney iyaga dhoofiyeen.

Illaa iyo hadda ma jiro diiwaan shaacsan oo muujinaya in Farmaajo uu ka tanaasulay baasaboorka dalka Canada.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Farmaajo uu muddo ku noolaa Canada kuna soo fashilmay nolosheeda taasina ay ku kalliftay inuu sagaashamaadkii usoo guuro Mareykanka, uuna dego magaalada Buffalo.

Warbixinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday dhacdo ku saabsan nolosha Farmaajo oo ka dhacday magaaladaas oo dhacda gobolka New York, taasoo tusaale u noqon karta habdhaqankiisa kursi jacaylnimada ah.

“Dhowr ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in 2007, uu muran xooggan ka dhex qarxay jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo ee uu hoggaaminayey Farmaajo. Waxaa dhammaad ahaa laba sano oo Farmaajo loo doortay hoggaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda ayaa ku eedeeyey inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka, oo codsaday inaan magacyooda la shaacin ayaa intaas ku daray in murankaas uu horseeday in jaaliyadda ay u kala jabot laba garab.

Sheekada ku saabsan arrintan Jaaliyadda ayaa horey marar badan waxaa loogu soo qoray baraha bulshada, hase yeeshee warbixinta jariidadan ayaa ah markii ugu horreysay oo ay warbaahin Ameerikaan ah shaaciso.

Marka ay sidaa leeyihiin waxay muujinayaan in Farmaajo dabeecaddiisu ahayd kursi jacaylka. Warbixintan ayaa muujineysa in dowladda Mareykanku aaney sidii horey ugu heellaneyn Farmaajo maxaa yeelay warbaahinta dalkaas oo aad u buunbuunin jiray ayaa maanta sirihiisa bannaanka soo dhigaya.

Markii uu Farmaajo iska dhiibayay Baasaboorka Mareykanka wuxuu dadka shacabka ah u muujinayay inuu yahay nin ka tanasulay dhalashada dalkaas oo Soomaalinimada usoo go’ay balse waxaa u qarsoonaa baasaboorka Canada.

Dhageyso Warbaahinta Mareykanka oo Billaabay iney soo bandhigaan Siraha Farmaajo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.