Weeraro Khasaare Dhaliyay Oo ka dhacay Holland iyo Maraykanka.

Wararka ka imaanaya wadanka Holland ayaa ku waramaya in weerar loo adeegsaday mindi uu ka dhacay caasimadda wadankaas magaalada Amestardam.

Ugu yaraan 1 ruux ayaa dhintay, halka 4 kalena ay dhaawacyo halis ah gaareen, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaallada caafimaadka.

Booliiska wadanka oo war soo saaray wuxuu sheegay in lagu raad joogo fuliyaha weerarka oo baxsad ah.

Weerar kale oo qoriyaal loo adeegsaday ayaa isna wuxuu ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Weerarkan ayaa dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana mudooyinkii dambe wadamada reer galbeedka kusoo badanayay weerarada noocaan ah.

Halkan ka dhagayso Faafaahinta weerarada ka dhacay Holland iyo Maraykanka.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.