Weeraro Khasaare Kala Duwan Dhaliyay Oo ka Dhacay Soomaaliya iyo NFD. (Dhagayso)

Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay fuliyeen silsilado weeraro ah oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka.

Shisheeyaha Uganda ayaa waxaa xalay lagu weeraray degmada Qoryoooley iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal in muda ah socday.

Qoryooley waxaa sidoo kale lagu weeraray ciidamada Dowladda federaalka ee Shisheeyaha ku wehlinaya halkaas.

Muqdisho, bar ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Dowladda federaalka oo ku taalla xaafadda Daa’uud yare ee Madiina ayay ciidamada Mujaahidiinta ku weerareen askarta Dowladda federaalka.

Jubbada Hoose, waxaa shalay ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada maamulka Jubbaland.

Askar mareysay duleedka Kismaayo ayaa waxaa lagu beegsaday weerar kamiin ah, waxaana halkaas looga dilay 2 askari, halka mid kalena uu dhaawacmey.

Sidoo kale askar mareysay deegaanka Yoontooy ee duleedka Kismaayo ayaa weerar lala beegsaday, lamana helin khasaaraha.

Gudaha dhulka Soomaaliyeed ee NFD, Kenyana xooga ku heysato waxaa lagu weeraray ciidamada Kenyaatiga, waxaana meelaha lagu weeraray kamid ah deegaannada Qasab iyo War guduude.

Weeraradan ayaa ahaa kuwa xoogan oo aad loo qorsheeyay, waxaana lagu gubay saldhiga Kenyaatiga ee deegaanka War Guduude.

Halkan ka dhagayso Faafaahin Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya iyo NFD.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.