Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada Itoobiya iyo Uganda ee Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay qaadeen weeraro kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga dalkeena Soomaaliya.

Xabashida Itoobiya ee ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa la kulmay weerar culus oo aad loo qorsheeyay, waxaana uu socday in muda ah.

Inkatoo aan la heynin khasaaraha rasmiga ah, hadana waxaa la rumeysanyahay inuu jiro waxyeello adag, maadaama dagaalku xooganaa in muda ahna socday.

Dhinac kale, ciidamada Shisheeyaha Uganda ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa la kulmay weeraro xoogan.

Waxaa askarta Shisheeyaha lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa ciidamada Shisheeyaha lagu weeraray deegaanka Shalambood ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weeraradan waxaa ka dhashey waxyeello kala duwan, mana helin faafaahin rasmi ah.

Halkan ka dhagyaso Faafaahin ku aadan howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Shisheeyaha.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.