Xaaladda Jowhar oo Deggan & Faahfaahinta Khasaaraha Dagaalkii Shalay.
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo maalintii shalay ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe kaasoo dhaxmaraya ciidamo kawada tirsan kuwa maamulka Hirshabelle.
Dagaalkan ayaa abaaro barqanimadii shalay ka ka qarxay hareeraha hoyga uu hogaamiye Cali Guudlaawe ka deganyahay Jowhar halkaas oo ay isku fara saareen laba ciidan.
Labada dhinac ee dagaallamay ayaa isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud waxaana labada dhinac ay iska dileen in ka badan 10 qof oo ciidamo iyo saraakiil isugu jira.
9 kamid ah kuwa dhintay waxaa meydadkooda la geeyay isbitalka magaalada Jowhar halka kuwa kale looga soo tagay hareeraha wabiga sida ay dadka degaanku sheegayaan.
Dadka ugu caansan ee dagaalka ku dhintay waxaa kamid ah sarkaal sare oo katirsanaa madaxtooyada maamulka ‘Hirshabelle’.
Cali Madoobe oo ay si aad ah isugu dhowaayeen Cali Guudlaawe ayaa laxaqiijiyay in lagu dilay dagaalka halka uu dhaawac soo gaaray sarkaal kale oo lagu magacaabo Ciise Nuur kaasi oo ahaa madaxa maamuuska Madaxtooyada Jowhar.
Qaar kamid ah saraakiisha la dilay ayaa waxaa sawirradooda lagu baahiyay baraha Internetka, laakin dagaalka ayaa waxa uu ka qarxay kadib markii laba sarkaal ay isku qabsadeen qeybsiga lacagaha isbaarada ah ee gaadiidka looga qaado irdaha laga soo galo jorhar taasoo keentay in sarkaal walba uu ciidankiisa gaar ula boxo xabbaddana la isku liso.
Inta badan ciidamada DF ayaa waxay dhexdooda ku dagaalamaan magaalooyinka ay joogaan waxaana uu khasaare kasoo gaaraa dad weynaha.
Dagaalkii kan ka horreeyay wuxuu ciidanka dowladda ku dhex maray inta u dhaxaysa degmada Balcad iyo degaanka Caliyaale, halka ay bishii ramadaan dhammaadkeedii Muqdisho ku dhex dagaalameen kuna barakiciyeen qoysas badan iyagoo haatanna dhufaysyo isugu jira.