Yahuuda oo In Ka Badan 120 Duqeyn Xalay U Geysatay Falastiin.

Ciidanka gumeysiga Yahuud ayaa xalay duullaan dhanka hawada ah ku qaaday Qaza, waxayna sheegeen dhankooda in 122 weerar ku qaadeen Marinka 25 daqiiqo gudahood. Dhinaca kale, Dhaqdhaqaaqa Xamaas waxay diideen heshiiska dhallanteedka ah ee Xabad joojinta.

Weriyaha Al-Jazeera ayaa sheegay in Yahuudu burburiyeen laba guri oo ku yaal bartamaha Khan Yunis, oo ku taal koonfurta marinka Qaza.Waxay kaloo duqeeyeen aqal ku yaal xaafadda Sheikh Ridwan, waqooyiga magaalada Gaza, iyo goob kale oo ka tirsan magaalada Rafax, oo ku taal koonfurta marinka Qaza.

Wuxuu intaas ku daray in weerarada Yahuuda ay burburiyeen guri ku yaal Deyr al-Balax, oo ku yaal bartamaha Marinka Gaza, isla markaana ay soo cusbooneysiiyeen madaafiicda goobaha Marinka, duqeynta ayaa burburisay tiro guryo ah oo ku yaal magaalada Beyt khanuun, waqooyi-bari ee xariga. Cadawtooyada Yahuuda ayaa halkeeda kasii socota bulshada muslimiinta ah ee Falastiinna waxay inta badan duqeymaha ka galaan godad waaweyn ee si wacan u habeysan inkastoo marka suuqyada la duqeeyo uu khasaaruhu kordho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.