12 Ruux oo Ameerikaan ah oo ku dhintay Shil ka dhacay gudaha wadankaas.

Wararka ka imaanaya wdanka Maraykanka ayaa tilmaamaya in shil gaari oo ka dhacay wadankaas uu dhaliyay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan 12 ruux oo Ameerikaan ah oo 10 kamid ah caruur yihiin ayaa ku dhintay shilkan oo ka dhacay gobolka Alabama ee koonfur bari Ameerica.

Gaari weyn oo xamuul ah ayaa jiiray gawaari badan oo nooca raaxada ah, kuwaasoo marayay jidka weyn ee gobolka.

Dr la hadlay warbaahinta Reuters ayaa sheegay iney xaqiijiyeen dhimashada 12 ruux oo 10 kamid ah caruur yihiin.

Sarkaal katirsan booliiska gobolka ayaa dhankiisa wuxuu tilmaamay marka laga soo tago dadka dhintay ay jiraan tiro kale oo dhaawac ah, kuwaasoo aan cadadooda la sheegin.

Caruurta badankood ku dhintay shilkan ayaa la sheegay iney saarnaayeen gaari iskuul si gaar ah u xanaaneeya caruurta aan waalidiinta lahayn ama kuwa la ihmaaliyay.

Shilalka gawaarida, weerarada iyo isdilka ayaa kusoo badanaya wadanka Maraykanka, waxaana dada badan ay tilmaamayaan in Maraykanku ku habsaday habaarka mustadcafiinta ku nool daafaha adduunka kuwaasoo habeen iyo maalinba habaara Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.