40 Ruux Oo ku dhintay Labo Tareen oo Isku dhacay gudaha dalka Pakistaan.

 

Wararka ka imaanaya koonfurta wadanka Pakistaan ayaa ku waramaya inuu dhacay shil khasaare ba’an dhaliyay, kadib markii ay isku dheceen laba tareen.

Gobolka As-Sind ee dhaca koonfutra wadanka Pakistaan ayuu ka dhacay shilka labada tareen, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday tobanaan ruux.

Ilo xog ogaal ah oo la hadlay warbaahinta waxay tilmaameen in mid kamid ah tareennada uu ka leexday wadadii uu ku socday, kadibna uu ku dul yimid tareen kale, taasoo dhalisay shilka.

Ilo caafimaad oo la hadlay wakaaladaha caalamka ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 40 ruux ay ku dhinteen shilka tareennada halka ay ku dhaawacmeen inkabadan 100 ruux oo ahaa rakaabka tareennada.

Waxaa loo badinayaa in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto sababo ku aadan iyadoo dhaawacyada qaar ay qabaan dhaawacyo halis ah, ayna dib dhacday iney heleen gargaar caafimaad.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.