5 Askari Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku noqday Weerar ka dhacay Mandheera.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya xooga ku heysato ayaa fuliyay weerar qorsheysan oo ay ku beegsadeen ciidamo Kenyaati ah.

Weerarkan oo ka dhacay duleedka Mandheera ayaa waxaa lagu dilay 2 askari oo Kenyaati ah, halka sidoo kale lagu dhaawacay 3 kale.

Ciidamada Mujaahidiinta waxay sidoo kale weerarka ku gubeen labo gaari oo midi baldoosar yahay.

Howlgallada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wadaan dhulka ay Kenya xooga ku heyato ayaa sii kordhaya maalmihii lasoo dhaafay, waxayna dhawaan ahayd markii 3 ruux oo Nasaaro Kenyan ah lagu dilay duleedka Mandheera.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.