Beelaha Jijeelle iyo Makane Oo Lagu heshiisiiyay Hiiraan. (Dhagayso)

Wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa heshiis nabadeed oo buuxa waxay dhex dhigtay beelaha Jijeelle iyo Makane oo deegaanno dhaca duleedka Baladweyne ku dagaallamay.

Kulan iyo wada xaajood socday 15 maalmood oo xiriir ah ayaa waxaa kasoo baxay heshiis buuxa oo ay wada gaareen labada beelood ee walaalaha ah islaamrkaana ay xurguftu dhexmartay.

Waxay ku heshiiyeen iney noqdaan dad walaalo oo deris ah, sidoo kalena ay gacan bir ah ku qabtaan dadka ka dhashey labada beelood ee hurinaya colaadda.

Waxay kaloo labada beelood qalinka ku duugeen iney isa siiyaan diyada dadkii ay iska dileen intii ay colaaddu socotay.

Masuuliyiin katirsan wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan iyo nabadoonno katirsan Nuqabada Soomaaliyeed ayaa kulanka ka qeybgalay, kuwaasoo munaasabadda ka jeediyay hadallo waano ah oo ku socday labada beelood.

Wilaayaadka islaamiga ah ayaa masuuliyad gaar ah iska saaray islaaxinta qabaa’ilka Soomaaliyeed ee ay dhacdo in mararka qaar wax kala gaaraan, howshaas caksigeedana waxaa wada Shisheeyaha, Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada kuwaasoo hubka isugu dhiibay qabaa’ilka.

Halkan ka dhagayso Beelaha-Makane-iyo-Jijeelle-Oo-lagu-heshiisiiyay-Hiiraan

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.