Beesha Mudulood Oo Diyo Ku wareejisay Beesha Garre. (Dhagayso)
Munaasabad ballaaran ayaa ka dhacday deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana diyo ku kala qaatay beelaha Mudulood iyo Garre oo katirsan qabaa’ilka Soomaaliyeed.
Beesha Mudulood oo bixineysay lacagta diyadaha ayaa horay waxay u dishey labo nin oo katirsanaa ciidamada Mujaahidiinta, kuwaas oo dhexgalayay colaad beeleedyo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka.
Mudulood oo horey u wareejisay qeyb kamid ah diyada ayaa markan waxay dhameystireen lacagihii diyada ee ay maxkamadda Islaamiga ah ku xukuntay.
Nabdoonno iyo waxgarad labada beelood ah ayaa kasoo qeybgalay munaasabadda, waxaana goobjoog ahaa masuuliyiin katirsan wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose.
Halkan ka dhagayso Warbixin munaasabadda diyada lagu kala qaatay.