Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Qof Shacab ah ku dilay Shabeellaha Dhexe.

Ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka ayaa deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe waxay ku dileen qof shacab ah.

Ciidamadan oo qarax xoogan lagula eegtay inta u dhexeysa degmooyinka Johwar iyo Mahadaay, khasaare culusna lagu gaarsiiyay ayaa waxay ka aargoosteen wiil dhalinyaro oo shacab ah, kaasoo ay wadada kula kulmeen.

Wiilka dhalinyarada ah ee ay ciidamada Dowladda federaalka dileen waxaa lagu magacaabayay Walaalow, sida uu inoo sheegay qof kamid ah qaraabadiisa oo aan wareysannay.

Ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha ayaana u aaba yeelin dhiiga dadka soomaaliyeed, waxaana mararka ay la kulmaan weeraro khasaare lagu gaarsiiyo ay ka aargoostaan dadka shacabka ah.

Dhagayso Ciidamada-Dowladda-federalka-oo-qof-shacab-ah-ku-diley-Shabeellaha-Dhexe

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.