Cimraan Khaan: Uma Ogolaaneyno Maraykanka Iney Adeegsadeen Saldhigyadeena.

Cimraan Khaan; ra’iisul wasaaraha Pakistaan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistaan Cimraan Khaan ayaa waraysi uu siiyay mid kamid ah website-yada wadanka Maraykanka wuxuu ku sheegay in dalkiisa aanu u ogolaan doonin CIA-da Maraykanka iney saldhigyo ku yeelato Pakistaan.

Cimraan Khaan ayaa sheegay in tallaabadaas haddii ay qaado xukuumadiisa ay ka dhigantahay is daldalaad siyaasadeed, wuxuuna sheegay in marnaba taasi aaney suuragal ahayn.

“markale uma ogolaaneyno sirdoonka Maraykanka inuu u adeegsado saldhigyadeena weeraro uu ka fuliyo wadanka Afqaanistaan” ayuu yiri Cimraan Khaan ra’iisul wasaaraha wadanka Pakistaan.

Go’aanka ra’iisul wasaaraha Pakistaan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Islamabad uu booqasho qarsoodi ah ku tagay madaxa CIA-da Maraykanka, kaasoo halkaas kula soo kulmey taliyaha sirdoonka Pakistaan, wuxuuna kala hadlayay qaabka ugu haboon ee CIA-du uga howlgeli karto Pakistaan marka ciidamada Maraykanku kasoo baxaan wadanka Afqaanistaan.

Maraykanka ayaa ku howlan in saldhigyo milliteri uu ka helo wadamo deris la ah Afqaanistaan, si ay ugu suuragasho fulinta weeraro gaadmo ah iyo la socodka xaaladda wadanka Afqaanistaan, waxaase tallaabadaas diidan dowladaha jaarka la ah Afqaanistaan.

Imaarada Islaamiga ah ayaa horey waxay uga digtay dowladaha xuduuda la leh Afqaanistaan iney marti geliyaan saldhigyo Maraykanku leeyahay, haddii ay tallaabadaas qaadaanna waxay ku goodisay iney bixin doonaan jawaab waafaqsan Shareecada Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.