Dadka Qaba Aydhiska ee ku nool Wuqooyiga Soomaaliya oo Cabanaya. (Dhagayso)

Aamina waa haweeney Soomaaliyeed oo si aaney fileyn ku qaaday xanuunka HIV-aids, waxay hadda ku nooshahay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland.

Waxay sheegtay in iyada iyo dadka lamidka ah ay ku noolyihiin dhibaato xoog leh, bulshada dhexdeedana laga takooray, sidoo kalena aaney xitaa awood u lahayn iney ganacsadaan.

Waxay baaq u jeedisay dhalinyarada soomaaliyeed ee gabdho iyo wiilalba leh, iyadoona ugu baaqday in dadka qaba cudurkan si kastoo ay ku qaadeenba ay tahay iney Allaah ka cabsadaan, dadka kalena waxay ugu baaqday iney ka taxadaraan.

Halkan ka dhagayso Dadka-Qaba-HIV-Aids-ee-ku-nool-Wuqooyiga-Soomaailya-Oo-cabanaya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.