Ku Dhawaad 20 Askari oo DF Looga Dilay Dagaal Ka Dhacay Sh/dhexe.

Dagaal ayaa galabta ka dhacay degaanka Warciise oo hoos taga magaalada Jowhar gobolka Shabeelaha dhexe.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa DF, waxaana la xaqiijiyay in askarta DF laga dilay 18 askari oo ay ku jiraan saraakiil.

Saraakiisha waxaa kamid ah taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka Gorgor, waxaa sidoo kale laga dhaawacay 42 askari halka laga gubay 3 gaari oo labo kamid ah ay yihiin kuwa gaashaaman ee Taw-ga loo yaqaano.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.