DEG-DEG: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaan Muhiim ah.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hadda gudaha u galay deegaan muhiim ah oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo dhaca wadada isku xiriirisa Baraawe iyo Buulomareer.

Ciidamada Mujaahidiinta oo aad u hubeysan ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Maringubaay oo dhaca wadada laamiga ah ee isku xirta Buulomareer iyo Baraawe.

La wareegitaanka ciidamada Mujaahidiinta ee deegaankan waxay timid kadib markii ciidamada Uganda saaka isaga baxeen deegaanka Maringubaay halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.