DEG-DEG: Shabakad Basaas ah Oo Lagu dilay Saakow.(Dhagayso Xukunka)

 

Degmada Saakow ee Jubbada Dhexe waxaa maanta ka dhacay xukun xaddu riddo ah oo lagu fuliyay ugu yaraan 6 ruux.

5 kamid lixdaas ruux waa rag, halka mida kalena ay haweeney ahayd, waxayna dhamaantooda ahaayeen jawaasiis u shaqeynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Qaadi katirsan Maxkamadda islaamiga ah ayaa akhriyay xukunka, waxaana markiiba lagu fuliyay goobta.

Boqollaal katirsan dadka shacabka ah ayaa usoo daawasho tagay xukunkan xadka ah, waxayna ku dhawaaqayeen takbiirta.

Maxaakiimta Islaamiga ah ee wilaayaadka waxay fuliyaan xukunno sharci ah oo kala duwan, waxaana wilaayaadka dhowr jeer oo hore lagu toogtay shabakado basaas ah oo u shaqeynayay sirdoonno maxalli ah iyo kuwa caalami ah.

Magacyada Shabakadda Jawaasiista Saakow lagu dilay.

1- Cumar Cabdul Qaadir Hiiraale, da’diisu tahay 36 jir, Wuxuu ka dambeeyay duqeymo ka dhacay Kuunyo Barrow iyo duleedkeeda.

2- Cabdi Xasan Axmed, 29 sano jir ah, wuxuu ka dambeeyay duqeymo ka dhacay Kuunya Barrow.

3- Fartuun Cumar Abkow, oo loo yaqaano Farto, 36 sano jir, waxay ka qeyb qaadatay duqeymo ka dhacay Kuunya Barrow.

4- Ibraahim Cumar Cali, 55 sano jir ah, wuxuu kamid ahaa jawaasiistii dabagalka ku hayay Oday Bile oo lagu duqeeyey Kuunya Barrow, wuxuuna gudbiyay numberka Sheekh Ismaaciil.

5- Sadaam Cusmaan Maxamed Nuur, 21 sano jir ah, wuxuu ku dambeeyay duqeymo ka dhacay gudaha Kuunya Barrow.

6- Aweys Xasan Xaaji Maxamed, 36 sano jir, wuxuu ahaa Jaajuus iyo Saaxir.

Halkan ka dhagayso XUKUNKA JAWAASIISTII SAAKOW 27 JUN 2021

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.