Dhagayso Faafaahinta Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya.

Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay qaadeen silsilado howlgallo ah oo lagu beegsaday ciidamada dowladda federaalka, kuwa maamul goboleeyada iyo askarta Shisheeyaha.

Mid kamid ah weerarada waxaa uu maalintii shalay ka dhacay xaafadda Nasteexo ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay labo askari oo katirsanaa ciidamada booliiska dowladda federaalka.

Askarta la dilay waxaa lagu kala magacaabaa Yuusuf Eelaay iyo Maxamad Nuur, waxaana Mujaahidiintu ka furteen qoriyaashii ay wateen.

Dhinac kale, qarax ka dhacay inta u dhexeysa Shalambood iyo Danow oo katirsan Shabeellaha Hoose waxaa lagu beegsaday gaari gaashaman oo ay la socdeen askar katirsan Shisheeyaha.

Gaariga ayaa ku burburay qaraxa, askartii saarneydna waxaa la rumeysanyahay iney dhimasho iyo dhaawac noqdeen.

Halkan ka dhagayso Faafaahinta howlgallo kale oo dheeri ah.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.