Dhagayso: Shabakad Basaas ah Oo Lagu Toogtay Kuunya Barrow.

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose ayaa fulisay xukun xaddu riddo ah, kaasoo lagu fuliyay 8 ruux oo Jawaasiis ah.

Dhamaan jawaasiistan ayaa u shaqeynayay sirdoonka dowladda Maraykanka ee CIA-da, waxayna ku lug yeesheen howlgallo duqeymo ah oo ka dhacay wilaayaadka islaamiga ah.

Magacyada Jawaasiistan ayaa waxay kala yihiin:

1- Calas Cali Cabdulle, 51 sano jir ah. 2- Cabdi Waaxid Cabdullaahi Diiriye, Carrabey 25 sano jir ah. 3- Cabdi Qaadir maxamed Abow Cabdil Qaadir bambiiste. 4- Abuu Cabdi Nuur fanaay, Abuu Weershe 35 sano jir ah. 5- Cumar Cabdi Raxmaan Cumar Dooyow, 36 sano jir ah. 6- Xasan Cabdul Qaadir Cumar, Xasan beeriyow 31 sano jir ah. 7-Abuukar Cabdi Cumar Abuukar baseey, 31 sano jir ah. 8- Jeylaani Mayow Sheekhunaa oo 41 sano jir ah.

Qaadiga maxkamadda islaamiga ah ayaa fagaaraha ka akhriyay shaqooyinka ay qabteen shabakadan basaaska ah, kuwaasoo dhamaantodo ku lug yeeshey falal lagu dilay dad muslimiin ah oo isuga jira shacab iyo Mujaahidiin.

Halkan ka dahgayso QAADIGA Ku dhawaaqay XUKUNKA 8 JAWAASIIS AH Lagu fuliyay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.