Diyaaradaha Maraykanka Oo Duqeeyay Saldhigyo Shiicadu ku leeyihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Aroornimadii hore ee maanta oo Isniin ah, diyaaradaha dagaalka ee dowladda Maraykanka ayaa duqeymo xoogan ku garaacay saldhigyo ay malleeshiyaad shiico ah ku leeyihiin wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

Duqeymahan ayaa ka dhacay deegaannada xuduuda ah ee labada dal, waxaana lagu soo waramayaa iney dhaliyeen waxyeello kala duwan oo gaartay malleeshiyaadka la duqeeyey.

War kasoo baxay wasaaradda dagaalka ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Maraykanku duqeeyeen goobo hubka lagu keydiyo oo ku kala yaala wadamada Suuriya iyo Ciraaq, iyagoo ka jawaabaya weeraro lagu beegsaday shakhsiyaad Ameerikaan ah iyo saldhigyo Maraykanku ku leeyahay wadanka Ciraaq.

Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa tilmaamay in duqeymaha saaka dhacay uu amray madaxweynaha wadanka Maraykanka ninka lagu magacaaboa Joe Biden.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa tilmaamaya in ugu yarana 4 askari oo katirsan malleeshiyaadka shiicada ay ku dhinteen duqeymahan, sidoo kalena ku burbureen goobihii la beegsaday.

Wakaaladda wararka ee Nidaamka Suuriya ayaa dhankeeda waxay sheegtay in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday deeganno hostaga magaalada Al-Buukamaal ee dhacda xuduuda beenaatka Ciraaq iyo Suuriya.

Marka laga soo tago hadafka mideynaya Shiicada iyo reer galbeedka oo ah gumaadka muslimiinta Ahlu Sunnaha, waxaa jira xurguf iyo xiisado siyaasadeed oo mararka qaar gaara gacan ka hadal oo dhexmara Maraykanka iyo malleeshiyaadka hoostaga dowladda Iiraan ee ku sugan wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.