Ehellada Sheekh Cali Dheere Oo Gaalkacyo Lagu dilay Oo Tabanaya.(Dhagayso)

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka ee ehellada la ahaa Sheekh Cali Dheere oo ciidamo katirsan Dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug horey ugu dileen gudaha magaaladaas.

Odayaasha ayaa sheegay in guddi loo xil saaray baarista dilka sheekha ay ku hadleen hadal aan dhab ahayn, islamarkaana ka fog xaqiiqda.

Mid kamid ah guddiga loo xil saaray arinkaas ayaa sheegay in gudoomiyaha gudiga uu ku hadlay war ay dad kale usoo dhiibeen, isagoona sheegay in xaqiiqda la baal maray.

Waxay ehelladu soo jeediyeen in markale guddi loo xil saaro baarista dilka Sheekh Cali Dheere oo ahaa wadaad u ololeyn jiray agoomaha iyo dadka masaakiinta ah, madaaris diini ahna Gaalkacyo ku lahaa.

Dhagayso Ehellada-Sheekh-Cali-Dheere-Oo-lagu-dilay-Gaalkacyo-oo-ka-cabanaya-wax-isdaba-marin

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.