Faafaahin: Askari Shisheeyaha Katirsan Oo la dilay iyo Weeraro kala duwan oo dhacay.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay fuliyeen silsilado weeraro ah oo ay ku beegsadeen ciidamada Dowladda federaalka, Shisheeyaha iyo askarta maamulka Jubbaland.
Xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa qarax lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda federaalka, waxaana lagu beegsday goob isbaaro ah oo ay ku sugnaayeen.
Duleedka Buulomareer oo katirsan Shabeellaha Hoose, waxaa iyana lagu weeraray ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka, waxaana ka dhacay dagaal culus.
Ciidamada maamulka Jubbaland waxaa iyagana lagu weeraray deegaanka Baarsanguuni, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin askarta maamulkaas.
Weerarada waxaa sidoo kale kamid ah, kamiin maalintii shalay gobolka Shabeellaha Hoose loogu dhigay ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha Uganda oo ay la socdeen askarta Dowladda federaalka.
Inta u dhexeysa Mashallaay iyo dalbiyaanka ee Shabeellaha Hoose ayaa kamiinka loogu dhigay, waxaana laga dilay hal askari oo Ugandhees ah halka askar kalena ay ku dhaawacmeen.
Halkan ka dhagayso Faafaahinta howlgalladii ugu dambeeyay.