FARANSA iyo Gumeysigeeda Dadban ee AFRIKA. (Warbixin+Dhagayso)
Loolanka ka socda wadanka Afrikada dhexe ee u dhexeeya madaxweyne Tawaadiira oo ay taageereyso Ruushka iyo kooxaha mucaaradka oo taageero ka helaya Faransiiska, wuxuu daaha ka rogayaa aragtida ay dowladaha waaweyn ka heystaan qaaradda Afirca, taasoo uga dhigan goob lagu loolamo, laguna tijaabiyo awoodaha dowladahaas, sidoo kalena laga huriyo dagaallada loo yaqaano Al-Xarbu Bil wakaala.
Inkastoo dadka qaar ay tilmaamaan in waqtigii Isticmaarka uu dhamaaday, hadana waxaa la isku waafaqsanyahay in weli dowladihii gumeystaha ay si dadban u maamulayaan wadamada Africa, iyagoo soo maraya wakiilladooda gacanta ku haya awoodda ama shirkadaha dhaqaalaha iyo maalgelinnada daboolka ka dhiganaya.
Waa qisso hore, balse maalin kasta dib isku cusbooneysiineysa, taasoo ah in ninka cad uu mar weliba boobo kheyraadka Africa, taasoo lagu tiriyo iney tahay xatooyadii ugu weyneyd ee muuqata ee laga diiwaangeliyo caalamka.
2011-ka majirin cod ka sarreeya codkii banaanbaxyda guga carbeed, Zeynul Caabidin bin Cali iyo Xusni Mubaark ayaa talada laga tuuray, diyaaradaha golaha amaankana waxay duqeynayeen Liibiya si talada looga tuuro Mucamar AlQadaafi, isbedello ku socday si deg deg ahna waxay ka socdeen wadamada Yemen iyo Suuriya.
Isla waqtigaas, gaar ahaan April 2011-ka diyaaradaha Faransiiska waxay duqeymo ku garaacayeen magaalada Abiidjaan ee ah caasimadda Ivory cost, durbana markii ay diyaaraduhu la wareegeen garoonka waxay u jiheysteen dhanka madaxtooyada, halkaas oo uu deganaa madaxweyne Loran, kaasoo ka horyimid natiijada doorashooyinka uu kusoo baxay AlXasan Wataara oo ah nin xiriir dhow la leh Faransiiska.
Muranka doorashada ayaa dhaliyay in wadanka uu yeesho laba xukuumadood, dagaallo u dhexeeya ciidamo taabacsan labada madaxweyne ayaana billowday, kahor inta aaney soo fargelin Faransiiska, oo aaney gacanta ku dhigin madaxweynihii hore Loran, una gacan gelin waxa loogu yeero maxkamadda aduunka, iyadoo lagu eedeynayo inuu geystay dembiyo dagaal.
Howlgalkii Abiidjaan ee ay qaaday dowladda Faransiiska kama baxsaneyn dhaqdhaqaaqa Faransiisku ka wado qaaradda Africa, kaasoo aan dhamaan tan iyo markii uu soo gebegeboobay mashruucii muuqday ee isticmaarka, waxaana Faransa 20kii sano ee u dambeysay ay faragelinno muuqda ku sameysay wadamada Maali, Jabuuti, Afrikada Dhexe, Chaad iyo kuwa kale.
Waxaa intaa sii dheer ciidamadeeda sida tooska ah u joogo wadamada Sinigaal, Burkina Faso, Kongo, Gaboon iyo kuwa kale, halkaas oo ay ka wado isla faragelinnada ay ku heyso wadamada kale ee Africa, balse waxay kaga duwanyihiin inaaney warbaahint uaadu qaad qaadin joogitaanka Faransiiska ee wadamadaas.
Mid kamid aragtiyada ay aaminsanyihiin si guud reer galbeedka iyo siyaasiyiintooda waa in dadka degan Africa ay yihiin adoomo aaney sinaba uga bixin Karin adoonnimada, xitaa kuwa la geeyay wadmada reer galbeedka, waxaana aragtidaas falaasifada qabta ee buun buuniyay kamid ah Feylasoofkii u dhashey Jarmalka ee lagu magacaabo Hegal.
Inkastoo aragtidaas ku dhisan islaweynida iyo qabka oo keliya ay tahay mida mar weliba ku hogaamineysa dowladaha reer galbeedka gaar ahaan Faransiiska iney boobaan kheyraadka Africa, hadana waxay is moodsiinayaan ama ay iska indha tirayaan in maalin maalmaha kamid ah Gana ay ka dhisma iyo xadaarad badneyd Amestardam ka hor inta aaney burburin Ingiriiska, iyo sidoo kale in maalin maalmaha kamid ah magaalada Tembaktu ee Maail ay shan jeer ka weyneyd magaalada London ee caasimadda Ingiriiska.
Waxay kaloo moogyihiin in imbiraadoorkii muslimka ahaa ee Maali ninka lagu magacaabo Nansa Muusa ay taariikhdu u diiwanagelisay inuu kamid aha dadkii ugu hantida badnaa ee soo mara aduunyada.
Waxay sidoo kale moogyihiin reer galbeedka iyo siyaasiyiintooda in dadka dega Africa ee muslimiinta u badan ay yihiin dad kuwanaagsan maamulka, waxaana ka marqaati kacaya boqortooyooyinkii tirada badnaa ee muslimiinta ahaa, ee ka jiray qaaradan.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa u baahi qabay inuu wax ka ogaado qeyb kamid ah taarikhdaas, kahor inta aanu ku hadaaqin in Africa ay u baahantahay in 100 sano oo kale ay kusii jiraan gumeysi, maadaama dadka jooga ay yihiin kuwa aan waxba ka aqoonin maamulka iyo hogaaminta, ayna ku tilmaamanyihiin caajiska, cunti badnida iyo dagaalka.
Naqsigan baaxadda weyn ee Trump kaga jira Africa, ma ahan mid loogu cudur daari karo, maxaa yeeley xaurntiisa mukhbaaraadka uu u dhow ayuuba ka heli karay kumanaan decuments ah oo ay CIA-du kaga hadleyso arimaha Africa, kuna muujineyso dowladihii soo maray qaaradan iyo kheyraadka dhex ceegaaga dhulkan.
Madaxda kale ee Yurubna waxayba booqasho ku tagi karaan Paariis, halkaas oo laga yaabo iney kula kulmaan rag weli nool, oo hagayay danaha Paaris ee qaaradda Africa.
Ragaas weli nool waxay kamid ahaayeen guuto loogu magacdaray Farans Afrik, taasoo howsheeda billowday markii la aas-aasay jamhuuriyaddii shanaad ee Faransiiska ee uu hogaaminayay Sharil Digal sanadkii 1958-dii miilaadiyada.
14 dal oo uu Faransiisku hogaaminayay ayuu ninkaas wuxuu u ballanqaaday inuu xurriyad ku sheeg siin doono, tas bedelkeeda heshiis amni ah ay saxiixaan, kaasoo qodobadiisa qaarkood aan la shaacin, waxaana kamid ahaa qodobadaas in 85% dakhliga wadamadaas lagu wareejinayo bankiga dhexe ee Faransiiska.
Sida lagu ogaaday warbixinno xilli dambe soo baxay, 500 oo bilyan oo dllar ayay Faransiisku sanado yar un kadib ka heshey heshiiskaas, taasoo si bilaash ah ugu xarootay qasnadda dowladda Faransiiska.
Wuxuu heshiiska sidoo kale Faransiiska fursad u siiyay in iyada lagu wareejiyo mawaadda ceyriinka ah ee macdanta ah, sido kalena shirkadaha Faransiiska mudnaanta koowaad loo siiyo arimaha macdan baaridda, heshiisyada amni ee tababarada ciidamadna la siiyo dowladda Faransiiska, haddii Farnsiisku dagaal galana ay dowladahaas waajib ku tahay iney garab istaagaan Faransiiska.
Shuruudahaas halista gelinaya mustaqbalka wadamadaas waxay banaanka soo baxeen bartimihii sagaashameeyadii, kadib markii ay soo shaac baxday fadeexaddii Ilif, taasoo loogu magacdaray shirkad Faransiis ah taasoo markii dambe la magac baxday Total.
Shirkadan waxay ahayd mid Faransiiska u qaabilsaneyd macluumaad ka keenista iyo sirdoonka arimaha Africa, waxaana qorshaha lagu dhisay dejiyay xoghayihii Faransiiska ee Africa ninka lagu magacaabo Jack Fokar, isagoo awaamir ka helaya madaxweynihii Faransiiska ee xilligaas Sharil Digol.
Waxaa Fokar, xilligaas Faransiiska looga yaqaanay inuu yahay siyaasiga keliya ee galab weliba la kulmi kara DIGOL, howshiisana waxay ahayd inuu hago maamulllada kajira Africa, ama uu talada ka tuuro madaxweynihii uu doono, si la jaan qaadeysa danta Faransiiska.
Tallaabadii ugu horeysay ee uu qaado wasxay ahayd dalka Geni, halkaas oo madaxweynihii ka talinayay Axmed Siikatori uu go’aansaday inuu si dhab ah kaga xuroobo gumeysiga Faransiiska.
Durbadiiba Paaris waxay go’aanstay iney ciqaabto ninkaas, iyadoo ku amartay shirkadaheedii ganacsiga ee joogay wadankaas iney isaga soo baxaan, waxay soo qaateen wax weliba oo ay qaadna kareen, iyagoona gubay intii aaney awoodin.
Waxay xitaa dileen lo’dii iyo xoolihii ay dhaqanayeen, iyagoona si ula kac ah u burburiyay lacagtii Geni, taasoo ay ugu suuragashey iney soo dabaacaan lacago falsha a, taasoo ay ku farraqeen suuqyada, waxaana markiiba dowladda Faransiiskku hubeysay mucaaradka wadankaas, si ay talada uga tuuraan madaxweyne Axmed.
Tallaabo arinkaas ka duwan ayay Faransiiska ka cayaartay wadanka Cameron, waxayna qorsheysay howlgal dhagreysan oo lagu iqtiyalayo madaxii mucaaradka Cameron oo ku sugnaa wadanka Geni, kaasoo lagu magacaabo Filikis Mony.
Maado sumeysan oo lagu magacaabo Taliyom ayay Faransiisku siisay hogaamiyahan mucaaradka ah, si kurisga madaxtinimada Cameron uu ugu sii fadhiyo ninka lagu magacaabo Axjuu, oo xiligaas lagu naaneesi jiray adeegaha Faransiiska.
Gabon, oo ah dowlad hodan ku ah naftada, shirkadda ILIF ee Faransiiskuna heshay 70% faa’iidada naftada, sida uu dhigay heshiiskii ay gaareen Faransiiska iyo dowladaha Africa ee uu gmeysiga ku heysto, waxay Faransa madaxweynihii wadankaas Liyon Amba kusoo celisay kursigiisa, kadib markii ay afgembi ku sameeyeen saraakiisha dhalinyarada ah e e milliteriga wadankaas.
Durbadiiba, waxay Faransiisku isku duba riday qorshe lagu dallacsiinayo nin lagu magacaabo Alber, si loogu bedelo Liyon, isbedelkii dastuurka ee arinkaas suurageliyeyna waxaa lagu qaabeeyey safaaradda Faransiiska ee Gabon.
Cali Bongo oo ah wiil uu dhalay Alber ayaa maanta ah madaxweynaha wadankaas, waxaana mar weliba dalka ka dhaca doorashooyin been abuur ah oo suuragelinaya inuu kusii fadhiyo kursiga madaxtnimadaba, sidaba ay ka marqaati kaceen sirdoonka Faransiiska.
Si taas ka duwan, Faransiisku waxay isku dayday iney rido maamulkii Mathiyo ee ka jiray wadanka Panin, iyadoo adeegsaneysa koox calooshood u shaqeystayaal ah oo uu hogaaminayay ninka lagu naaneeso eygii dagaallada ee Bon Dinar.
Balse ciidanka Banin ayaa iska caabiyay isku dayga afgembiga, markii dambena Faransiisku wuxuu dalkaas ka dhisay nidaam shuuci ah blasé ogolaaday inuu muran gelin qeybta ay Faransiisku ku leedahay kheyraadka iyo macadnta wadankaas.
Inkastoo madaxweynihii hore ee Faransiiska Fransou Holland iyo madaxweynaha xilligan Emmanual Macron ayay marar badan sheegeen inuu dhamaaday waqtigii shabakaadka Farnsa Afrik, Faransiiskuna bedelay siyaasadiisii gumeysiga Africa, hadana waaqicu wuxuu inoo sheegayaa in tartanka awoodda uu weli ka socdo qaaradda Africa, taasoo ay ku loolamayana wadamada bariga iyo galbeedka, maalinba maalinta ka dambeysana uu qaadanayo istiraatiijiyad cusub, iyadoo dhinac weliba uu adeegsanayo shakhsiyaad cusub iyo shirkado amni.
Inkastoo Faransiisku ka dhiganyahay tusaalaha ugu xun ugna cad, marka laga hadldayo in lagu tunto dadnimada dadka dega Africa, hadana dowlado kale oo ay kamid yihiin Ingiriiska, Biljimka, Jarmalka iyo Burtiqiiska oo ay ka dambeeyaan Maraykanka iyo Shiinaha ayaan iyaguna ka shar yareyn Faransiiska.
Inkastoo ay kor u lulayaan shicaarka xuquuda Afrikaanta ay u leeyihiin iney ku raaxeystaan kheyraadkooda, dadkuna ay simanyihiin, hadana dhamanatood waxay qarsanayaan iney jiraan shucuub aan la sinneyn shucuubta ku nool wadamada lagu tilmaamo iney hormareen, sidaba uu sheegay ninka lagu magacaabo Jorji Oril.
Inkastoo uu dhamaaday waqtigii faragelinnada tooska ah iyo afgembiyada maalin cad dhaca, hadana in dowladaha reer galbeedku ku ciyaaraan mustaqbalka Africa waa mid muuqda, oo ka daran sidii hore, balse dadka dega Africa ayaa dareensan in weli qaaradooda ay gumeysi ku jirto, gaar ahaan dhalinyarada, taasoo keentay in wadamada Africa ay ka dhacaan banaanbaxyo lagu dalbanayo in xurriyad dhameystiran la siiyo wadamada Africa.
Shirkadaha ajnabiga ee ka shaqeeya naftada ayaa leh taariikh dheer, marka laga hadlayo taageerada ay la garab taaganyihiin hogaamiyaasha keligii taliska ah, si ay u ilaashadaan danaha dhaqaale ee ay ka leeyihiin Africa.
Bartimihii sagaashameeyadii, shirkadda Shal ayaa hanti badan siisay maamulkii keligii taliska ee milliteriga ahaa, kana arriminayay wadanka Nayjar, halkaas oo dadka dega ay dhigayeen dibabaxyo ay kaga soo horjeedaan howlaha ay shirkaddu ka waday wadamada Dalta An-Nayjar, iyagoo ku eedeynaya iney burburiyeen bii’ada, kana takhalluseen ilihii dhaqaale ee dabiiciga ahaa.
Sida xilli dambe la ogaadya, shirkadda Shal waxay hanti gaareysa 383 milyan oo dollar si laallus ahaan u siisay saraakiishii milliteriga, iyadoo xitaa lacago gaar ah siiyay xeer ilaaliyaasha iyo marqaatiyaal been abuur ah, si dil toogasho ah loogu xukumo Kin Soro oo ahaa dadkii u ololeynayay in shirkaddu joojiso dhibaatada ay ka wado Africa.
Shirkadda ilif ee Faransiiska laga leeyahay ayaa iyadana qarashaadkii kasoo galayay naftada wadanka Gabon waxay ku maalgelineysay dagaallo sokeeye oo ka socday Bayafra, halkaas oo ay ku dhinteen inkabadan 2 milayn oo ruux.
Shirkadaha dhaqaale oo keliya ma ahayn kuwa gumeystaha Faransiiska ku matalayay Africa, meel weliba oo aad ku aragto shirkadahaas waxaa barbar socday shirkado amni ah, oo ay u shaqeeyaan kumanaan calooshood u shaqeystayaal ah, kuwaasoo shaqadoodu ahayd iney ilaaliyana shirkadaha shidaalka iyo naftada baara ee Faransiisku leeyahay.
Faransiiska oo keliya malahayn shirkado amni oo calooshod u shaqeystayaal ah, Maraykanka, dowladaha Yurub iyo xitaa maamulka Yahuudda ayaa tobanana shirkado oo calooshood u shaqeystayaal ah waxay ku leeyihiin Africa.
Shirkadahaas waxaa kamid ah shirkad laga leeyahay Maraykanka oo lagu magacaabo Danikorb, taasoo ay u shaqeeyaan 17 kun oo ruux, sanadkii 2014-ka ayay shirkadan waxay heshay heshiis dhigaya iney tababarto ciidamada loogu yeero nabad ilaalinta Suudaan ee ka socda Qaramada Midoobay.
Maamulaha shirkadaas ayaa sanadkii 2008-da wuxuu sheegay in Africa ay uga dhigantahay goob aad u wanaagsan oo lagu shaqeyn karo, isagoona tilmaamay inuu la saxiixday Qaramada Midoobay iyo shirkado macdanta baara heshiisyo ay ku kacayaan aduun lacageed oo gaaraya 1.2 bilyan oo dooar, kaasoo soconaya shan sano.
Shirkadda OBS ee laga leeyahay Fransiiska ayaa iyadana waxay qaadatay heshiis ballaaran oo madaxweynihii hore ee AFRIKADA DHEXE uga ilaalineyso weeraro uga yimaada kooxhii mucaaradka ee ku kacsanaa.
Shirkad ay leedahay Yahuudda oo lagu magacaabo Lafdaan iyo kuwa kale ayaa iyagana waxay saxiixen heshiisyo ay ku ilaalinayaan shirkadaha reer Yurub ee boobka ka wada wadamada AFirca, haddii ay la kulmaan weeraro iyo bananabaxyo uga yimaada dadka shacabka ah.
Maraykanka iyo Faransiiska ayaa si xoog leh waxay u taageeraan madaxda dowladaha Africa, iyagoo taas bedelkeeda ka helaya danaha ay ka leeyihiin wadamadaas, waxaana labadan dal ay saldhigyo milliteri ku leeyihiin qaar kamid ah wadamada Africa.
Farnsiisku wuxuu 3 saldhig oo milliteri ku leeyahay Sinigaal, Gaboon iyo Jabuuti, toban dal oo ay kamid yihiin Chad, Maali, Afrikada Dhexe, Ivory cost iyo Soomaaliyana waxaa ka jooga ciidamo milliteri.
Maraykanka ayaa isagana lamid ah Faransiiska, Africom ayaa saldhigeeda ugu weyn ee Africa waxay ku leedahay Jabuuti, balse 49 dowladood oo kamdi ah dowladaha Africa ee tiradoodu gaareyso 54 ayuu Maraykanku la leeyahay iskaashi xagga milliteriga ah, saldhig ay ka duulaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronesta ayayna ka dhisteen wadanka NAYJAR.
Dowladaha Afrikaanta ee aan heysan taageerada reer galbeedka ayaa iyagana waxay xooga saarayaan iney helaan taageerada iyo difaaca dowlado kale, madaxweynihii geeriyooday ee Zambia Robert Mugabe ayaana tusaale loosoo qaadan karaa, kaasoo soo dhaweyn u sameeyay madaxweynaha Shiinaha, safaaradda Shiinaha ee Zambiyana waxay ku tilmaamtay xiriirka labada dal inuu yahayd mid adag, ayna qeybsanayaan dhibta iyo dheefta.
Hadaba, loolanka Jiyoossiyaasiga ah ee kajira Africa, ayna hor boodayaan dowladaha Yurub ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana tani ay muujineysaa ahmiyadda ay leedahay qaardan, iyo hagardaamooyinka ay kala kulmeyso awoodaha dunida ka jira.
Mid kamid ah sababaha ugu weyn ee loo beegsanayo shucuubta dega Africa ayaa ah iney yihiin badankood dad muslimiin ah, una dheganugul tacaaliimta diinta Islaamka, sidoo kalena qaaradda ay dihantahay kheyraad ballaaran oo aan lasoo koobi Karin.
Dowladda Faransiiska ee ku caanbaxday la dagaalanka diinta Islaamka iyo aflgaadeynta Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam ayaana kamid ah dowladaha horboodaya boobka lagu hayo kheyraadka AFRICA, taasoo 50kii sano ee lasoo dhaafay afgembi talada kaga tuurtay 22 madaxweyne oo ka talinayay wadamada Africa, ilaa iyo hadana daaha gadaashiisa ka maamuleysa wadamo badan oo Africa dhaca.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Faransa Iyo Gumeysiga AFRICA.