Gaadiidleyda iyo Ganacsatada Qardho Oo Ka Cabanaya Canshuuro Lagu Soo rogay.
Waxay cabasho xoogan kasoo yeereysaa ganacsatada iyo gaadiidleyda gawaarida dadweynaha ee ku sugan magaalada Qardho oo kamid ah dhulka uu ka arrimiyo maamulka Puntland.
Ganacsatada iyo darawallada ayaa tilmaamaya in maamulka Puntland uu soo kordhiyay canshuuro dheeri ah oo ka badan intii horey looga qaadi jiray, waxayna sheegeen inaaney awoodin bixinteeda.
Dadkan ka cabanaya canshuuraha xad dhaafka ah ee lagu soo rogay ayaa la hadlay warbaahinta waxayna codsadeen in laga laabto go’aanka canshuur kordhinta.
Maamulllada ka jira wadanka ee ku daaban Shisheeyaha ayaa dadka ka qaada lacago xad dhaaf ah oo canshuur lagu sheegay, taas bedelkeedna ma jirto wax horumar ah oo ay kusoo kordhiyeen bulshada dhexdeeda.
Halkan ka dhagayso cabashada ganacsatada iyo gaadiidleyda Qardho.