Gabar Soomaaliyeed Oo Si Xun Loogu dilay Mombasa. (Dhagayso)

Magaalada Mombasa ee kamid ah dhulka ay Muslimiintu leeyihiin ee ay heysato dowladda Kenya ayaa waxaa ka dhacday dhacdo murugo badan, kadib markii gabar soomaaliyeed oo aad loo jirdiley lasoo dhigay goob gudaafad ah.

Gabadhan oo lagu magacaabo Najmo Cabdullaahi ayaa waxaa iyadoo aad loo jirdiley oo caafimaad ahaan liidata lasoo dhigay meel gudaafad ah oo kamid ah Mombasa, waxaana markaas kadib la geeyay xarumaha caafimaadka.

Sida ay sheegeen ehellada Najmo, ugu dambeyn waxay ku geeriyootay isbitaalka, iyadoona dhiig ka keentay afka iyo sanka, taasoo ka tarjumeysa jirdilka arxan darada ah ee loo geystay.

Booliiska magaalada Mombasa ee dowladda Kenya ayaan wax war ah kasoo saarin kiiskan oo lagu wargeliyay islamarkaana ay la socdaan.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa kusoo badanaya ugaarsi gaar ah oo lagu hayo gabdhaha Soomaaliyeed, waxaana arintan sida muuqata ka dambeeya hay’ado shisheeye kuwaasoo si gaar ah u ugaarsanaya gabdhaha soomaaliyeed oo ku tilmaaman xishood iyo xijaab.

Halkan ka dhagayso Faafaahin Gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay Mombasa.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.