Halkee La geeyay Dhaawacyada Askartii Shalay ku waxyeellowday Camaliyadii Muqdisho?

Ugu yaraan lixdameeyo askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka gaar ahaan kuwa uu ku adeegto Turkiga ayaa la dhigay isbitaallada Madiina iyo kan Turkiga ee ku yaala magaalada Muqdisho, halkaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Isbitaalka Madiina oo kale, waxaa la geeyay inkabadan 40 askari oo dhaawac ah, waxaana lasoo warinayaa in dhaawacyada qaar ay liitaan, halka kuwa kalena ayba u geeriyoodeen dhaawacyada.

Maamulka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dhaawacyada badankood ay xaaladooda darantahay, islamarkaana la jiifiyay, iyadoo ay jiraan kuwa u dhintay dhaawca.

Waxaa jira askar la anfariiray camaliyadda, kuwaasoo gala badda, maadaama saldhiga la beegsaday uu ku ag dhowyahay badda.

Halkan ka dhagayso Faafaahin Dhaawacyada camaliyaddii Muqdisho.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.