Howlgal Qorsheysan Oo Askar Nool Lagu soo qabtay Oo ka dhacay Baardheere.

Habeenkii xalay, ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxay ka fuliyeen howlgal gaar ah oo ay kusoo qabteen askar nool nool oo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Howlgalkan gaarka ah oo dhacay saqdii dhexe ee xalay waxaa lagu soo qabtay labo askari oo katirsanaa ciidamada Dowladda federaalka, kuwaas oo lagu kala magacaabo Cabdi Daahir iyo Qalinle.

Meel duleedka ka ah magaalada Baardheere ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen labada askari, iyagoona halkaas kaga tagay meydadkooda.

Arintan waxay walaac iyo argagax adag ku abuurtay saraakiisha iyo ciidamada Dowladda federaalka ee jooga magaalada Baardheere, halkaasoo ay si joogta ah weeraro kaga fuliyaan ciidamada Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.