Howlgallo ka dhacay Gobollo kamid ah Soomaaliya. (Faafaahin)

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay iyo maantaba fuliyeen howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha, kuwa Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Muqdisho, waxay Mujaahidiinta weerar toos ah ku qaadeen bar agagaarka masjidka Nasrudiin ay ku lahaayeen ciidamo katirsan Dowladda federaalka, waxaana goobta lagu dilay hal askari.

Bakool, ciidamada Mujaahidiinta waxay weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Koonfur galbeed ay ku leeyihiin degmadaas.

Jubbooyinka, waxay Mujaahidiinta weeraro toos ah ku qaadeen saldhigyada Kenyaatiga iyo kuwa maamulka Jubbaland ee deegaannada Kulbiyow, Hosingow, Cabdalle biroole iyo Yoontooy.

Shabeellaha Hoosena, waxaa la weeraray saldhigyada ciidamada Dowladda federaalka ee haanta dheer iyo mukeyga Afgooye.

Shabeellaha Dhexe, qarax ayaa lala eegtay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Gaariga ayaa ku safrayay wadada xiriirisa Jowhar iyo Biyo cadde, waxaana guud ahaanba basbeeley gaariga, iyadoo askartii saarneydna ay ku baaba’een.

Halkan ka dhagayso faafaahin Howlgalladii ugu dambeeyay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.