Jufo katirsan beesha Cayr oo Nabadoon ku caleema saaratay deegaan hoostaga Dhuusamareeb.
Wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud waxaa ka dhacday munaasabad ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, taasoo jufo katirsan beesha Cayr ay ku duubatay nabadoon cusub.
Munaasabadda oo ka dhacday deegaan dhaca duleedka Dhuusamareeb waxaa nabadoon ku doortay jufada Cabsiye ee Cayr, waxayna jufadu ku dhawaaqday iney qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Nabadoon cusub ee Cabsiye ayaa loo magacaabay Maxamad Nuur Cumar Faraweyne, waxaana munaasabadda kasoo qeybgalay nabadoonno katirsan Cabsiye iyo qaba’ilka kale ee dega gobolka, iyadoo ay intaa dheereyd masuuliyiin uu horkacayay waaliga wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid.
Kalimaad dardaaran iyo duco isuga jira ayaa goobta laga jeediyay, waxaana kasoo qeybgalayaasha xafladda ay ahaayeen kuwa aad ugu faraxsan munaasabadda.
Dhagayso Cabsiye oo Nabadoon ku caleema saartay deegaan dhaca duleedka Dhuusamareeb.