Kenya Oo Joojisay In Dalkeeda ay ka duulaan Diyaaradaha Gurmadka u wada Dowladda Federaalka.

Dowladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii ay dalkeeda kaga soo bixi jireen diblumaasiyiinta katirsan hay’adaha gacan saarka la leh dowladda uu hogaamiyo Maxamad Farmaajo ee uu waqtigiisu dhamaaday.

War kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu wargeliyay diblumaasiyiinta ku sugan Kenya inaaney dalkeeda uga ambabixi karin duulimaadyo ku wajahan magaalada Muqdisho, waxaana arintan ay qeyb ka tahay khilaafaadka ka dhex taagan dowladaha Kenya iyo tan Federaalka ee Farmaajo.

Horay waxay Kenya u joojisay duulimaadyada caadiga ah ee isaga kala gooshi jiray Nairoobi iyo Muqdisho.

Dhagayso Dowladda Kenya Oo joojisay duulimaadyadii Diblumaasyiintu ku tagi jireen Muqdisho.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.