Kenya Oo ka walaacsan Isdhexgalka Al-Shabaab iyo Muslimiinta NFD.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney si aad ah isku dhexgaleen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya xooga ku heysato iyo dadka muslimiinta ah.

Gudoomiyaha Mandheera Cali Roobo ayaa sheegay in xaalad amni oo halis badan ay ka jirto gobolka, dagaalyahannada Al-Shabaabna ay dhexmaraan dadka shacabka ah kadibna ay beegsadaan ciidamada iyo dadka Nasaarada ah.

Wuxuu sheegay iney is dhexgaleen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo dadka Soomaaliyeed ee dega dhulka ay Kenya xooga ku heysato, taasina uu sheegay halis hor leh.

Cali Roobo ayaa u xusul duubaya in dowladda Kenya ay ciidamo dheeri ah keento NFD, isagoo dhinac kale shacabka Soomaaliyeed ku dhiiragelinaya iney taageeraan ciidamada Kenya, waana arinta illaa iyo hadda uu ku guuleysan la’yahay.

Dhagayso Kenya oo ka walaacsan isdhexgalka Mujaahidiinta iyo Muslimiinta NFD

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.