Kenyaatiga Oo Lagu Weeraray Jubbooyinka iyo Dagaal ka dhacay Ceelasha Biyaha.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay weeraro ku qaadeen saldhigyo Jubbooyinka kaga suganyihiin ciidamo katirsan kuwa Kenya ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Deegaannada Cabdalla biroole oo dhaca duleedka Kismaayo iyo Taabto ayaa lagu weeraray ciidamada Kenya, waxaana dagaalladu ahaayeen kuwa xoog leh.

Dhinac kale, ciidamada Mujaahidiinta waxay weerareen askar katirsan kuwa Dowladda federaalka oo ku sugnaa deegaanka Ceelasha biyaha ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Lama helin khasaaraha ka dhashey weeraradan balse dagaalladu waxay ahaayeen kuwa culus oo ku daba feylaya howlgallada ay Mujaahidiintu ka fulinayaan goobaha ay Shisheeysaha iyo Dowladda federaalka kaga suganyihiin dalka.

Halkan ka dhagayso Faafaahin weeraro ka dhacay Jubbooyinka iyo Ceelasha biyaha.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.