Khasaaraha Dhimashada Dagaalkii Wisil Oo Gaaray 52 Askari. (Dhagayso).

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashey dagaalkii aroornimadii hore ee saaka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil oo 50km u jira degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Khasaaraha dhimasho ee gaaray ciidamada Dowladda federaalka ayaa gaaray 52 askari, waxaana dhaawacyadu yihiin kuwa aad u badan.

Ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa la kulmay qaraxyo xoogan, taasoo keentay iney adkaato iney soo gaaraan Wisil, gaari dagaal oo kasoo baxey Hobyo ayaa basbeeley, wixii askar ah ee saarnaana way wada dhinteen.

Halkan ka dhagayso Faafaahin Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Wisil ee Mudug

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.