Kudhawaad 40 Askari Oo Lag dilay Dagaal Culus Oo ka dhacay Mudug.

Aroornimadii hore ee saaka ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus waxay ku qaadeen saldhig deegaan hoostaga Hobyo ku leeyihiin ciidamo katirsan maamulka Galmudug.

Weerarka waxaa lagu daah furay camaliyad Nafhurnimo oo uu fuliyay naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana xigay in xerada ciidamada maamulka Galmudug ee deegaanka Wisil ay u daateen ciidamada milliteriga.

Dagaal culus ayaa goobta ka dhacay, kaasoo khasaare culus dhabarka loogu saaray ciidamada maamulka Galmudug.

Ugu yaraan 34 askari oo katirsan ciidanka Qoorqoor ayaa halkaas lagu dilay, halka dhaawacyo tiro badanna ay jiraan, waxaana deegaanka si buuxda ula wareegay ciidamada Mujaahidiinta.

Waxaa jira saanado hub ah oo kala duwan, kuwaasoo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wisil waa deegaan muhiim ah oo hoostaga magaalada Hobyo, halkaas laga dhisayo dekad lagu wado in lagu wareejiyo Xabashida Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.