Markab Dagaal oo Laga Leeyahay Waddanka Iiran oo ku Degay Xeebaha Dalkaas Kadib Markii uu Qabsaday Dab Xooggan.
Wararka naga soo gaaraya koonfurta waddanka Iiraan ayaa waxay sheegayaan in Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee dowladda Shiicada ah ee Iiraan uu ku degay meel u dhow dekedda Jask ee ku taalla gobolka Hormozgan oo dhaca koonfurta waddankaas, kadib markii dab xooggan uu ka kacay gudahiisa, kaas oo sababay in uu dego Markabka.
Wakaaladda wararka xukuumada shiicada ah ee Tehraan ayaa sheegtay in markabkii ugu waynaa ee ay lahaayeen ciidamda badda uu degay xili uu marayay meel u dhow dekedda Jask oo ku taalla gacanka Cummaan, waxayna intaas ku dartay wakaaladu in dhamaan xubihii saarnaa Markabka ay ka badbaadeen dhacdadaan.
Markabkaan oo xiligii uu dabka ka kacayay ku jiray howllo tababar ayaa illa iyo haatan aanan lagaraneyn waxaa uu ka dhashay dabkaan, sidoo kalana musuuliyiinta waddankaas ma aysan cadeyn sababta rasmiga ah ee keentay dabka ka kacay markabkooda.
Wararku waxay intaas ku darayaan in suuragal ay tahay in weerar dhanka elektaroonigga ah lagu qaaday markabka, kaas oo sababay in dab uu ka kaco nidaamka korontada ee Markabka.
Bayaan ay soo saareen ciidamada badda ee dowladda shiicada ah ee Iiraan ayaa waxaa lagu sheegay in degitaaanka Markabka ay sabab u tahay dabka oo si xoowli ah ugu fiday dhamaan qeybha Markabka, iyo in dadaaladii lagu xakameynayay dabka oo socday illaa 20 saacadood oo aan lagu guuleysan.
Muqaallo iyo Sawirro lagu baahiyay baraha Internet-ka ayaa waxaa lagu arkayay qiiq iyo uuro madoow oo hawada isku shareertay oo ka baxaysa Markabka xili uu taagan yahay gudaha Badda.
Sannad ka hor ayay aheyn markii sidaan oo kale Markab dagaal oo laga leeyahay waddanka Iiraan lagu dhuftay gantaal xili uu ku gudajiray tababar ka socday Gacanka Cummaan, kaas oo ay ku dhinteen 19 badmaax oo ka tirsan ciidamda badda ee dowladda Shiicada ah ee Iiraan, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen.