Masuul Ameerikaan ah Oo Ku Baaqay In la tukado “Salaad Roob doon ah”!

Qeybo kamid ah wadanka Maraykanka waxaa ka taagan abaaro xoogan, iyadoo ay yaryihiin roobabka, taasoo keentay in masuuliyiinta Ameerikaanka ay ku baaqaan in la tukado salaad Roob doon ah!

Xaakimka gobolka Yota ee dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay shacabka gobolka iney tukadaan salaad Roob doon ah, Allahna ay ka baryaan inuu roobeeyo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xaaladda dhibaato ee ka dhalatay roob yarida ay u baahantahay in Allaah uu roobeeyo, wuxuuna dhanka kale ku baaqay in adeegsiga biyaha aad loo yareeyo.

Arintan ayaa muujineysa dhaqan ay leeyihiin gaalada oo uu Allaah ku sheegay Quraanka, kaasoo ah in marka ay dhibaatoodaan ay Allaah miciinsadaan, marka uu dhibaatada ka dulqaadana ay Allaah wax la wadaajiyaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.