Midowga Jaamacadaha Muqdisho Oo Cabasho ka ah Dowladda Federaalka!

Kulan magaalada Muqdisho ay ku qabteen qaar kamid ah maamulayaasha Jaamacadaha iyo macallimiinta ayay kaga hadleen dhibaato adag oo lasoo deristay.

Macallimiinta iyo maamulayaasha Jaamacadaha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay canshuur shakhsiyadeed kusoo rogtay macallin weliba iyo qof kasta oo ka shaqeeya jaamacadaha, taasoo ay dheertahay lacag si guud looga qaado Jaamacadda.

Macallimiinta Jaamacadaha Banaadir, Jazeera iyo kuwa kale oo kulan isugu yimid ayaa ka cabtay arinkaas, iyagoona sheegay in haddii laga joojin waayo ay dhigi doonaan dibadbaxyo ballaaran.

Dowladda Federaalka oo ay soo wajahday dhaqaale darri baahsan kadib markii laga jaray lacago ay ka heli jirtay reer galbeedka ayaa hadda waxay canshuuro xad dhaaf ah kusoo rogeysaa reer Muqdisho, taas bedelkeedana majirto waxqabad muuqda oo loo sameeyay shacabka.

Halkan ka dhagayso warbixin midowga Jaamacadaha Muqdisho oo cabanay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.