Mu’addiniinta Masaajidda Jamaame Oo Dowro Loo Qabtay. (Dhagayso)
Maktabka dacwada ee degmada Jamaame ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa dowro diini ah wuxuu u qabtay mu’addiniinta masaajidda degmadaas.
Dowradan oo socotay 3 maalmood oo xiriir ah, ayaa waxaa loogu magacdaray saxaabigii jaliilka ee ahaa mu’addinka Rasuulka Bilaal bin Rabaax.
Dhamaadka dowrada waxay Mu’addiniintu ka hadleen waxay ka faa’ideen dowrada, iyagoona ka codsaday maktabka dacwada in bishiiba mar loo qabto dowraad noocaan ah.
Makaatiibta dacwada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa wilaayaadka Islaamiga ah ka qabta dowraad diini ah oo dadka lagu baro arima la xiriira diintooda iyo aduunyadooda, waxaana taasi ay sare u qaaday mustawaha aqooneed ee bulshada wilaayaadka islaamiga ah.
Halkan ka dhagayso Mu’adiniinta Masaajidda Jamaame oo Dowro loo qabtay