Nin ka yimid Qurbaha Oo la sheegay inuu Ka dambeeyay Haweeney Lagu dilay Muqdisho.
Maamulka deegaanka Garasbaalley ee dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday iney heleen xogo ku saabsan cida geystay dilka haweeney soomaaliyeed oo dhawaan meydkeeda lasoo dhigay xaafadda Galmudug ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Garasbaalley oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in guriga dilka uu ka dhacay uu ku yaalo deegaankaas, islamarkaana uu deganaa nin qurba joog ah, kaasoo uu sheegay inuu isagu dilka geystay.
Wuxuu sheegay in lagu raad joogo shakhsiga dilka haweeneyda uu ku eedayay, waxaana laheynin macluumo intan kabadan ama dhabnimada warka gudoomiyaha.
Gabadha meydkeeda dhawaan lasoo dhigay xaafadda Galmudug ayaa ahayd hooyo dhashey 5 caruur ah, waxaana dilkeeda aad uga argagaxay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Muqdisho iyo goobaha ay ka taliyaan Shisheeyaha, maamul goboleedyada ayaa waxaa kusoo badanaya ugaarsiga gaarka ah ee lagu hayo haweenka Soomaaliyeed, waxaana arinkani u muuqdaa qorshe dhagreysan oo uu Shisheeye ka dambeeyo.
Nin ka yimid Qurbaha Oo la sheegay inuu Ka dambeeyay Haweeney Lagu dilay Muqdisho.