Nin Kirishtan Ah Oo Dad Muslimiin Ah Oo Ka Soo Jeeda Hal Qoys Ku Dilay Dalka Canada.

Wararka naga soo gaaraya koofurta waddabka Canada ayaa waxay ku waramayaan in halkaas uu dhacay fal dil ah oo loogeestay dad muslimiin ah oo ka soo jeeda hal qoys.

Falkaan oo ahaa weerar ula kac ah oo loo adeegsay gaari xamuul ah ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday 5 ruux oo muslimiin ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur.

In la xaqiijiyay 4 ruux oo muslimiin ah ayaa lagu dilay weerarka oo 3 kamid ah ay yihiin haweeyn, halka uu si xun ugu dhaawacay cunug yar oo sagaal jir ah sida ay sheegeen saraakiisha booliska.

Weerarka ayaa sigaar ah wuxuu uga dhacay bartamaha magaalada London oo ku taala koonfur-galbeed gobolka Ontario oo katirsan waddanka Canada, xili ay dadkaan ka tilaabayeen wado isgoos ah ayaa si ula kac waxaa loo jiirsiiyay gaariga xamuulka ah.

Ruuxa weerarkaan geestay ayaa ahaa nin labaatan jir ah oo ka soo jeeda magaalada London oo ah halka uu falkaan dilka ah ka dhacay islamarkana ay ku fogaatay cunsuriyadda iyo naceybka uu uqabo dadka musliinta ah, taas ugu danbeyn keentay uu dilo qoyskaan muslimka ah.

Paul Waite oo ah dambi baare ka tirsan booliiska magaalada London, ayaa yiri: Waxaa jira cadeymo muujinaya in falkaan uu ahaa mid ula kac ah oo la soo qorshayay, islamarkaana ay ka muuqato nacayb, maxaa yeelay waxaan rumaysannahay in dadkaan la dilay loo bar tilmaameedsaday in ay yihiin Muslimiin.

Sarkaalkaan ma uusan bixin faahfaahin intaa ka badan oo ku saabsan ruuxa geestay falkaan oo ku jira gacanta booliska, laakiin wuxuu tilmaamay in booliisku ay wadaan baaritaano ku saabsan sababta ku kaliftay in uu dadkaan laayo.

Wadamada reer galbeedka ayaa waxaa marar sidaan oo kale uga dhacay dilal nuucaan ah, kuwaas oo lagu beegsaday dadka musliimta ee ku dhaqan halkaas, taas oo muujinaysa sida dadka caddaanka ah ay ugu xidi daysatay islaamka neceebka, iyo cadowtooyada ay uqabaan dadka muslimiinta ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.