Nin Soomaali ah Oo Weerar Khasaare Dhaliyay Ka geystay Jarmalka.

 

Wararka ka imaanaya wadanka Jarmalka ayaa tilmaamaya in weera mindi loo adeegsaday oo khasaare dhaliyay uu ka dhacay wadankaas.

Magaalo lagu magacaabo Virstobereg oo kamid ah wadanka Jarmalka ayuu ka dhacay weerarkan oo mindi loo adeegsaday, waxaana fuliyay wiil dhalinyaro ah oo 24 sano jir ah.

Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhimtay weerarka halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 kale, kuwaasoo xaaladooda caafimaad qaarkood laga deyrinayo.

War kasoo baxay booliiska wadanka Jarmalka ayaa lagu sheegay in fuliyaha weerarka uu ku qeylinayay Allaahu Akbar, xilliga uu weerarka geysanayay, islamarkaana uu yahay wiil dhalinyaro ah oo kasoo jeeda Soomaaliya.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka waxaa lagu arkayaa wiilka dhalinyarada ah oo mindi kula dagaallamaya ciidamo katirsan booliiska, kuwaasoo aad uga cabsanaya iney u dhawaadaan.

Xabad kaga dhacday jilibka oo uu dhaawac kasoo gaaray wiilka dhalinyarada ah kadib ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliiska.

Waxaa socda sida ay booliisku sheegeen baaritaanno ku aadan waxa ku riixay wiilka dhalinyarada ah inuu fuliyo weerarkan.

Wadamada reer galbeedka waxaa ka dhaca weeraro keligii duulnimo ah oo ay geystaan dhalinyaro muslimiin ah, kuwaasoo ka carooda gabood fallada dowladaha reer galbeedka ka wadaan caalamka Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.